|
Written by Ali Moallim
|
|
Monday, 05 November 2007 |
|
Mogadishu,(insidesomalia.org) Duqayn ba,an ayaa galinkii dambe maanta lagu qaaday Ciidamada Ethopia ay ku lee yihiin Warshadii hore ee Baastada ee Magaalada Muqdisho dad goobjoogiyaal ahaa ayaa sheegaya in ay arkeen tiro hoobiyaal ah oo ku dhacaya xarunta.
Weerarkaasi ayaa sida lagusoo waramayo soconayey mudo dhowr Daqiiqo ah taasi oo si weyn looga dareemay goobaha ku teedsan deegaamadaasi ay ku jiraan Warshada Baastada iyo xaafadaha ku dhow dhow.
Ilaa iyo iminka lama oga qasaaraha dhabta ah oo uu geystey weeraradani lagu qaadey Ciidamada Ethopia ma aha markii ugu horeysey oo weerar lagu qaado salshigyada ciidamada Ethopia.
Balse, wararkan ugu dambeeyey ayaa wararka laga helya waxey tilmaamayaan in jawiga guud ee deegaanada udhow xirada ay hada deganyiuhin weeradaasi kadib.
Dadka kunool magaalada mogdhu gaar ahaan meelaha ay kadhacayaan iskahor imaadyada ayaa waxey cabasho xoogan kamuujinayaan Duqeynta aan loomeel dayin oo ay isdhafsanayaan muqaawamada iyo kuwa iskaashanaya ee dowladaha Ethopia iyo Somaliaya.
|